Ciyaartoyda Ukraine oo Madaxooda Lacag La dul dhigay Badis iyo Barbardhac.....

6/7/2012 12:33:00 P

.


Wararka Naga soo Gaaraya Dalak Ukraine oo ka mida Martigaliyayasha Koobka Uero 2012 ayaa waxa ay sheegayaan in dhiirigalin Lacageed La dul dhigay Ciyaartoyda Xulka Ukraine ee uu Hor Boodayo 7 Shavshenko waxaan Dowlada Ukraine ay u Balan qaaday Hadii ay Badiyaan in Ciyaaryahanada Ukraine Lacag Gaareysa 624 Kun oo Doolar.halka Hadii ay galaan Barbardhac ay qaadan doonaan 250 oo Euro.

 

Intaa Loogama Harin Dhiirigalinta Ciyaartoyda Ukraine Hadii ay u gudbaan Sami finalka IYo Finalkana waxa ay heli doonaan 2 Milyan oo Doolar Halka 4.5 ay heli doonaan Hadii ay Ku guuleystaan Koobka Uero 2012 oo ay ka mid Yihiin Martigaliyayaashiisa.

dhinaca Kale Tababaraha Xulka Ukraine ayaa Ka Raali Galiyay Taageerayaasha Xulkaasi Guuldaradii ay kala Kulmeen Xulka Turkiga Toodbadkaan Ciyaartii saaxiibtinmo ee ay La yeesheen waxa uuna sheegay Tababaruhu in Ciyaartoyda Xulkiisa 10 ka mida ay ku sumoobeen Cuntadii ay ku Cuneen Jarmalka oo ay ka dhaceysay Ciyaartaasi Saaxiibtinimada ee Looga Badiyay Ukraine isagoo Tilmaamay in Suntaasi ay ka soo kabsadeen isla Markaana Xidigaha Ukraine ay diyaar u Yihiin 11 Bishaan Kulankooda ugu Horeeya ee ay La ciyaari doonaan Iswidhan kaaso ah Meeratada hore ee Koobka Uero 2012.

 

Wxaaa Diyaariyay

Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'

Uurdoox2011@hotmail.com




Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com