EX Real Madrid oo ka Badisay dhigeeda y EX Man Utd Ciyaar Samafal aheyd oo Lagu Cawinayay Q.Afrika...
.
Ciyaar Samafal aheyd oo Lagu Caawinayay Qaarada Afrika Kana dhacday Garoonka Bernabeu ee Kooxda Real Madrid ayaa Waxaa Isaga Horyimid Ciyaartoydii Cuslaatay ee Kooxaha Real Madrid iyo Man Utd waxaana Kulankaasi ahaa Mid xiiso badan oo ay EX-Ciyaartoydii Hore ee 2 Naadi ay soo bandhigeen cIyaar aad loo Jecleystay iyadoo qaar Ciyaartoyda ka mida Wali Lga dareemayay Farsamooyinkii ay adeegsan Jireen.

labada Kooxood waxa ay Bilowgii ciyaarta isku qaadeen Hujuumyo kala duwan Daqiiqadii 7 Lambarka 9 e Real madrid Moriantes ayaa Goolkii ugu Horeeyay u dhaliyay Kooxdiisa waxaana Goolkaasi Daqiqiado Ka dib Ka Jawaabay Ciyaartoydi Cuslaatay ee Kooxda Man Utd waxanaa Goolkii Barbaraha u dhaliyay Lee Sharpe.
.
Daqiiqadii 10 Figo ayaa u dhaliyay Goolkii Labaad Kooxda Real Madrid,Daqiiqadii 18aad Zidane oo u sitay Lambarka 5 Real Madrid ayaa Halis Galiyay Goolka Manchestar United waxaana qeybtii Hore Lagu Kala Tagay Real Madrid oo 2-1 Ku Horkaceysa Man Utd.
isku soo Noqodkii Kooxda Man utd waxaa Ka cunay Rigoore Lagu Galay York Ciyaarayahan Teddy Sheringham oo u sitay Lambarka 10, Daqiiqadii 60 Real Madrid waxaa u dhaliyay Goolkii 3 Ciyaarayahanka u sitay Lambarka 6 Redondo iyadoo Daqiiqadii 79 Goolkii 2 uu u dhaliyay Man Utd Teddy Sheringham.
.
Xidiga Caanka ah Zidane oo ahaa isku xiraha Ciyaartoyda Kooxda Real Madrid ayaa la badalay Daqiiqadiii 82 waxaana Mar kaliiya is qabsaday Sacab ay ku soo dhaweynayeen Taagerayaasha Real Madrid Iyadoo ciyaartiina Xiligi Loogu Tala Galay ay ku soo Idlaatay 3-2 ay Ciyaartoydi Cuslaatay ee Real Madrid uga Badiyeen Ciyaartoydi Cuslaatay ee Man Utd Kulankii Lagu Tabarucayay Qaarada Afrika.
Xidigo Caan ah ayaa u safnaa Labada Naadi waxaana ka xusi Karnaa dhinaca Man Utd Goolhaye Vandersar,A.Cole,York Teddy Sheringham halka Real Madrid aan Ka xusi Karno ,Zidane, Figo, Robert Carlos,Morientes xidigahaasi oo ka soo Kal Jeeda Wadamada Holan,Ingiriiska,Tirinand Tobacco,Franca,Portuqal,Brazil iyo Isbeyn
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com

Banooni.com -
Hoyga Cayaaraha 


