Giovani Dos Santos oo Xalay isku Xoreeyay Xulka Brazil kana dhaliyay mid ka mida Goolasha looga badiyay
.
Ciyaaryahanka Da da yar Govanni Dos Santos oo Lambarka 10 u watay Xulka Mexico ayaa daah furay Goolasha Xulkiisa daqiiqadii 21 isagoo shabaqa Brasil dhex dhigay Gool Cajaaiba oo Gilgilay Garoonka,Daqiiqadii 32 Rigoore Difaaca Brasil ku Galay 10ka Meksiko Giovani Dos Santos waxaana Rigoorahaasi u Badalay Gool 14 Javier Hernandez oo u ciyaara Kooxda Man utd,Brasil oo qeybtii hore Laga Gacan sareyay waxa ka hortagay Fursado ay sameeyeen Goolhayaha Meksiko waxaana qeybtii Hore Lagu Kala Nastay Meksiko oo 2-0 ku Horkaceysa Brasil.

qeybti Labaad Marki la isagu soo Noqday Ma miro dhalin isku dayo fara badan oo ay sameeyeen Xulka Martigalinaya Koobka Adunka 2014 ee Brazil waxaana Ciyaarti Saaxiibtinimada ee u dhaxeysay 2 Xul Brazil vs Mexico ay ku dhamaatay 2-0 ay Ku Badiyeen Mexico
Weerarayahnka Mexico Lambarka 10 u watay.Giovani Dos Santos ayaa Xalay ahaa Xidiga Garoonka iyadoo difaaca Brazil ay u Taagwaayeen Raacidisa isla Markaana Fure u ahaa Gusha Xalay ay Gaartay Xulka Mexico.
Xulka Brazil ayaa wayadaan danbe Gulo ka soo Hoynayay Ciyaarihii Saaxiibtinimada ee uu Sameynayay waxaana Dhawan u uga Taqlusay 4-1 Xulka Denmarki oo ka mida 16ka Dal ee ka qeybagalaya Uero 2012 oo 8bishaan ka Furmi doona Wadamada Ukraine iyo Poland.
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com

Banooni.com -
Hoyga Cayaaraha 


