Maxaad ka Taqaan Xidigihii Soo Maray Naadigii Kubada Cagta MBC ( Madbacada, Bangiyada iyo Ceymiska )

5/18/2012 10:00:00

.


Xubinteena Maanta ee Isboortiga waxan ku eegeynaa Naadigii Kubadda Cagta MBC,Naadigaan oo Garoomada Konis Istaadiyum iyo Muqdisho Istaadiyum Wacdaro ka dhgi Jiray,isla markaana Taagerayaal fara badan ku lahaan jiray Dhinaca Kubadda Cagta,waxaana Galabta ay Madbacadu ciyaareyso si gaar ah Taagggeryaasha Kooxdaasi u sii hadal Heyn jireen Kubadii 3 Xagalka aheyd ee ay isku dhiibi jireen Nuur Maxamed Amiin oo hada dagan Adis Ababa,Muriidi Abanuur Abati oo isna dagan London iyo Cabdulaahi Maxamuud Sarxaan' Eenoow' oo isna Dagan Helisink,waxaana 3 daasi xidig ay ka mid ahaayeen Lafdhabaradii Kooxdaasi,walow Muriidi Abanuur Abati ay si gaar ah.
 
 
Tagaeerayaasha Naadiga ay ugu yeeri jireen Maaradoonihii Soomaaliya maadama Qaab Ciyaareedkiisa uu ahaa mid indhuhu soo jiidan jireen Farsamo Wanaagsana la soo shirtagi jiray isagoo waliba kubadaha uu Eenow shabaqa taabsiin jiray soo dhigi jiray.

Naadigaan oo uu Daahfuray dhinaca Tababaraha Macalin Giftn oo ahaa Warshadii soo saartay Xidigihii Madbacada u qaaday Horyaalkii 1982-1983 ayaa waxaa xusid mudan in sidoo kale ay soo mareen Tababarayaal kale sida AUN Cumar Canjeste,AUN Kobeey,Coonka,Cade Gaaboow,David Oti iyo Tababare AUN Kobeey,iyo Ottiisagu jiray Soomaali iyo Ajnabi.


Maxamed Ducaale Ciise oo ah aqoonyahan soomaliyeed oo soo Taageerayay Kooxdaasi ilaa markii ay aheyd Heerka 2aad ayaa sheegay In Kooxda MBc ay u ciyaari jireen Dayar wax la qeybsan jiray Kooxihii Waaweynaa ee ka horeeyay sida Horseed, LLPP, Badda, Gaadiidka,Wagad,Muqdisho,Waxaana Markii danbe ay keentay in Madbacadu ay yeelato Taageerayaal aad u fara badan oo si weyn u soo camiri jiray Garoomada Kubadda cagtta.
 
MR.Ducaale waxa uu sheegay inuu u soo joogay Guulihii Kooxdaasi iyo Koobabkii ay qaaday isagoo Tilmaamay inay ku timid arintaasi Dadaal fara badan iyo juhdi naadiga la galiyay iyo xidigihii u safan jiray Kooxda oo ku shaqeeyay si isku duubni leh isagoo mahadcelin u jeediyay dhamaan ciyaartyda Kooxdii Madbacadda iyo Macalinkoodii Giftin oo uu sheegay inuu ahaa hindisihii ka dambeeyay Heerka kooxdu ku talaabsatay
.
Hadaba Xidigii soo Maray Madbacada Bangiyada iyo Ceymiska' MBC' waxaa ka mid ahaa.

Goolhaye Karaama Dhageey

Muriidi Abanuur Abati

Nuur Maxamed Amiin

Eenoow 

Cabeey

Muler 

Xasan Atooroos

Dooli

Abuukar Islow

Cabdulqaadir Isnaay

Arjantiin

Baynax


Majabe


Shiilkha


AUN Cumar wiinkeey


AUN Cali Yuusuf


Shiine Cabdi Xasan


Bile Cali

Cade iikar


Macow


Abuukar Islow Kabtankii Kooxda MBC kana ciyaari jiray Difaaca Lambarka 5 ayaa sanooyinkii ugu Dambeeyay waxa uu noqday Hogaamiye dhaqameed isagoo lagu caleemo saray deegaanka Lafoole ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye. 


Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com 



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com