Matteo oo qorsheeynaya inuu qamaaro iyo Man Utd oo 3 weerar ku qaaday Dortmund..!!!? (Warar Sport oo xul ah)

5/14/2012 10:06:00

.


Macalinka kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa isku lamaanin doona labada hujuum ee Didier Drogba iyo Fernando Torres oo noqon doona cududa weerar ee ay Blues la shirtegi doonto dhamaadka koobka horyaallada Yurub ee ay Munich la balansan yihiin.

Macalinkan Talyaaniga u dhashay ayaa labadan nin 21 daqiiqadood wada ciyaarsiiyay kulankii ay todobaad-dhamaadkii ka adkaadeed kooxda laabatay ee Blackburn Rovers iyadoo laga yaabo inuu sidoo kale yeelo sabtiga soo aadan.

5 jeer ayay labadan laacib si rasmi ah isula ciyaareen balse maadaama aysan wax gool ah dhalinin 5-taa jeer iyo 19-kii jeer ee kale ee bedel ahaanta la isula ciyaarsiiyay waxay muujineysaa inaysan isku habooneeyn.

Si kastabase Chelsea oo ay laacibiin badani kaga maqan yihiin dhaawac iyo ganaax ayaa khasab kaga dhigi karta inuu Di Mateo markale dib ugu laabto miiska kaartada.
‘’Waxaan isku deyey waxyaabo badan si aan u eego sida arintan loo turxaan bixin karo’’ ayuu Di Mateo u sheegay hilinka ay kooxdiisu leedahay ee Chelsea TV.

Man Utd oo weerar 3 geesood ah ku qaaday Borussia Dortmund
Isniin (Dortmund) 14-05-2012 Macalinka Man Utd Sir Alex Ferguson ayaa buuga xusuus qorka kusoo qortay 3 xidig oo ka tirsan kooxda Borusia Dortmund.
Wargayska The Dailu Mail ayaa daabacay inuu Fergie aad u jecelyahay saxeexa laacibka khadka dhexe ee weerar-xigeenka ah ka ciyaara ee Shinji Kagawa balse intaa kuma ekaan doonee wuxuu sidoo kale doonayaa weeraryahanka Polish-ka Robert Lewandowski, oo 3-leey ka ansixiyay dhamaadkii koobka Jarmanka oo uu Ferguson laftiisu sheeda ka daawanayay todobaadkii hore iyo sidoo kale daafaca Mats Hummels.

Wada xaajoodkii qandaraaska ay kooxda Borusia ku doonaysay inay laacibka la meel dhigto ayaa fashil ku dhamaaday iyadoo uu wakiilka laacibku yiri ‘’Dalabka Dortmund maaha mid nagu filan, waxaana idiin xaqiijin karaa inay Man Utd laacibka xiisayneyso’’.
Waxaa dhanka kale la fahamsan yahay in aabaha daafaca Hummels oo lagu magacaabo Hermann oo sidoo kale ah wakiilka wiilkiisu uu wada hadal kula jiro kooxda Manchester.

Evra: ‘’Ferguson waa nin fahmo u leh suuqa kala iibsiga’’
Isniin (Manchester) 14-05-2012 Daafaca dadabka bidix ee kooxda Man Utd Patrice Evra ayay ka dhaadhacsantahay inuu macalin Ferguso uu kooxda kusoo biirin doono xidigaha ay tabeysey xilli-ciyaareedkan oo uu sanka u maray horyaalka Ingiriiska oo ay mudo sacabeysaneysey.

Evra ayaa sheegay inaysan muhim cida imanaysaa laakiin uu isaga ahaan hoosta ka xariiqayo sida uu u hubo inaysan howsha ka hoos bixi doonin tababare Ferguson oo lagu yaqaanno isha macaan ee uu u leeyahay suuqa kala iibsiga.

Evra dib u eegay xilli-ciyaareedkii shalay dhamaaday. ‘’ Ma waalni, sidaa darted ma lihi sanad wanaagsan baa nasoo maray’’ ayuu yiri Evra oo rajeeyey inuu laacib kastaahi uu xilliga soo aadan beteriyadiisa kaarikaysan doono.

Ibrahimovic oo adkeeyey inuusan kujirin safka tegey.!
Isniin (Milano) 14-05-2012 Weeraryahanka reer Sweden ee kooxda AC Milan Zlatan Ibrahimovic ayaa hubaal ka dhigay inuusan qorsheeyneynin inuu ku biro inta badan qawaaradii kooxda oo shalay kooxda ku macasalaameeyey kulan aad u qiira badnaa oo ka dhacay gegada Sansiro.

Kooxda Rossineri ayaa sidaa darted lagu wadaa inay gasho kacaan balaaran oo lagu bedelayo ku dhowaad safka 1-aad ee kooxda si laacibiin loogu illiyo (geliyo) kabihii ay ka tageen Mark van Bommel, Rino Gattuso, Pippo Inzaghi iyo Clarence Seedorf oo dhiig cusub loogu shubo kooxda.
‘’May, ma tegi doono’’ ayuu Ibra taageerayaasha ugu laab qaboojiyay xalaytoole.

Si kastaba kabtanka kooxda Massimo Ambrosini ayaa ka mid ah raga baaqi kusii ahaan doona kooxda kadib markii sanad kale loogu daray qandaraaskiisa taasoo ahayd sidoo kale dookh u furna Nesta iyo Gattuso oo go’aansatey inay Milan kala waydaartaan inta ay goori gaar tahay.

Chelsea iyo PSG oo heegan kujira iyo Hulk oo u gacan haatinaya.!
Isniin (Lisbon) 14-05-2012 Weeraryahanka kooxda FC Porto Hulk ayaa ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay dhegeysiga dalabyada ka imanaya kooxaha saxeexiisa isku garbinaya ee qaarada Yurub.

‘’Diyaar baan u ahay in la I iibiyo’’ ayay ilo ku dhowdhowi laacibkan kaoso koobiyeen iyadoo ay kooxaha Chelsea iyo PSG qaybta sare ka hogaaminayaan safka kooxaha doonaya xidigan xooga wayn ee reer Brazil.

‘’Wax kasta way furan yihiin, wixii dhici lahaana way dhacayaan. Hadii ay FC Porto go’aansato inay i gado, diyaar’’ ayuu yiri isagoo ku daray ‘’ Hadii aysan sidaa noqonna waxaan si kal iyo laab ah usii wadan doonaa ciyaarahayga’’.

Hansen: ‘Kompany waa xidigii ugu waynaa ee ay abid soo iibsato Man City’
Isniin (London) 14-05-2012 Halyaygii hore ee kooxda Liverpool Alan Hansen ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay saameynta daafaca Vincent Kompany uu ku yeeshay qadiyada ay Man City ku qaaday horyaalka Ingiriiska.

Hansen ayaa ku qoray wargayska The Telegraph ‘’Laacib Kompany oo 6 milyan oo gini ugu kacay kooxda City wuxuu muujiyay sababta uu u yahay daaficii ugu wanaagsanaa ee abid soo mara tan iyo waayihii English Premier (EPL waa magac baxay 1992-kii).

Hansen ayaa ku doodaya inay khalad ahayd inay laacibkan ka ilduufaan jamciyaadka ay leeyihiin dadka ciyaaraha wax ka qora oo aan abaalmarinadoodii laacibkan ku xusin.

Hansen ayaa isku dayay inuu woxoogaa ka yiraahdo tayooyinka uu leeyahay Kompany oo sida uu qabo qayrul caadi ah ‘’Laacib waxaa looga baahan yahay tilaabo, dareen boos qaadasho, inuu kubada sare ku xoogan yahay, tan hoosana xukumo waana waaxo uu ku wada wanaagsan yahay Kompany’’ ayuu ku qiil sameeystay.

‘’Hadi aan maantadan ciyaari lahaa oo la I dhihii lahaa soo xulo qof daafaca jaal kugula noqda shaki la’aan isagaan sheegan lahaa’’ ayuu Hansen oo u hambalyeey xidiga iyo kooxdiisa Man City oo hanatay horyaalka Ingiriiska.

 
Wararkan iyo kuwo kale kala soco GOOLFM.NET http://www.goolfm.net/

Waxaa isku duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-koronto;-maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com