Wax ka baro Ciyaartoydii soo Martay Kooxdii Badda' ex dekadaha' Maanta waxaan idin heynaa Kubadii Cagta,Kubadii Koleyga wiilasha iyo Hablaha....
.
Xubinteena Isboortiga ee Maanta wasxaan ku soo Qaadaneynaa ciyaartoydii Caanka ahaa ee soo maray Kooxdii Badda'ex naadigii Dekadaha' oo ka mid ahaan jiray Kooxihii Heerka 1 ee Soomaaliya isla markaan ka mid aheyd Kooxaha ugu wanaagsanaa dhinaca isboortiga ayna soo mareen Ciyaartoy Magac leh.

Aan ku horeyno dhinaca wiilsha Kubada koleyga Kooxdii Badda Ciyaartoydii Caanka ahaa ee soo maray waxaa ka mid ahaa
Cabdulqaadir Xaaji Daahir 'Sheekha' Mucjsadii Kubadda Koleyga Soomaliya
Nuuradiin Cali Saciiid
Xamsa
Yaasiin Maaxi
Oto Dheere
Dr Cumar Bille
Cirro
Warsame Dheere
AUN Mahad
Saacid Baariyoow
Shimad
Mandaliif
Baashi Dheere
Guuleed Aadan
Cabdullahi Gaballe
Cabdislaan Sandheere
Muuse Axmed (allaha U nxariisto)
Cabdi Yare
Qanyare
Xuseen Xasan (Allaha u nxariisto)
Kimaani (Allaha u nxariisto)

Hadaan markaan sooq aadano dhinaca hablaha naadigii Badda waxaa soo maray oo aan ka xusi karnaa
Nadiifo Ibraahim
Diib Cabdi
Ambiyo Cali
Xijaabo Cabdicasiis
Madiino Gacal
Batuuley
Nuunaay
Faadumo Dheer (Allaha u Naxariisto)
Habeenka Wiilasha Badda ay ciyaarayaan Xidiga sida gaarka ah ay isaga ilaalin jireen Weerarkiisa aan la loodin karin Waxa uu ahaa Cabdulqaadir Xaaji daahir 'Sheekha' oo lambarka 13 u xiran jiray Wiilashii Badda kana mid ahaa Halbowlayaasha Xulkii Qaranka Kubadda Koleyga Soomaliya waxa ayna taageerayaasha Badda ay ku foorin jireen halkudhegyo ay ku cabsi galin jireen Kooxihii Waaweynaa ee kubadda Koleyga Dhinaca Wiilasha sida Wiilashii LLPP, Horseed, Muqdisho,Somalita, Madbacadda,habeenka ay la ciyaarayan Wiilasha kubadda Koleyga Badda tusaale waxaa loo soo qaadan karaa ' Maxaa Caawa kala heysta Sheekha iyo 5tii Jeenyo' waxaana ciyaaryahankani uu ahaa laacib aad uga dhex muuqan jiray garoomada Kubadda Koleyga isla markaana xidigaha ka soo horjeeda ay ka wal wali ireen raacitaankiisa maadaama Kubadda uu ka soo toogan jiray meel dheer kuna caan ahaa dhalinta 3 Point.
sidoo kale dhinaca Kubadda Cagta naadigii Badda 'ex Dekadaha' waxaa soo maray Ciyaartooy Caana waxaana ka mid ahaa
Xasan Sheekh Joorje..........Goolhaye
Diini................................. .Difaac
Abeyle............................. .Difaac
Coonka.............................. .Difaac
Cameey............................. Difaac
AUN Jamaal......................... Difaac
Cali Sheekh........................ Difaac
Muslimiin............................ Difaac
Ibrow.................................. .Dhexda
Siidkeey.............................. .Dhexda
AUN Cabdulaahi Cabdi' DH. M'...weerar
Dag dag...................................Weerar
Cadami......................................Weerar
Khaliif Riiko...............................Weerar
Waji.........................................Weerar
Geedi........................................Weerar
Wali Cade...................................weerar
Horyaalkii 1983-1984 Naadigaan Xidigihii U qaaday Horyaalka sanadaakaasi waxaa Tababarihii watay Loogu yeeray Kobeey iyo Kooxdiisa kaftan ma ogala,alaha u naxariisto Marxuum Maxamed Yuusuf Kobeey.
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed cabdulle' Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com

Banooni.com -
Hoyga Cayaaraha 


