Koobka Degmooyinka Ee kubadda cagta oo Galabta Ka Furmay Magaalada Bosaaso:-FIIRSO Sawirada

4/29/2012 3:04:00 A

.


 

Koob ay ka qaybgalayaan degmooyin ka kala tirsan gobolada Bari iyo Karkaar  ayaa galabta ka furmay garoonka kubadda ee magaalada Bosaaso.

Koobka waxaa ka qaybgalaaya ilaa 14-degmo,waxaana galabta ciyaartii u horeysay dhexmartay degmooyinka Bosaaso iyo Gumbax ee gobolka Bari.

Ciyaartaan ayaa kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday degmada Gumbax,waxaana dayac iyo habacsanaan weyn laga dareemayay ciyaartoyda degmada Bosaaso.

Gudoomiyaha Isboortiga ee gobolka Bari Mustafe C/raxmaan Majacase oo garoonka kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay in koobkaan ugu magac dareen dhiiragelinta dhalinyarada iyo ka wacyigelinta Burcad badeednimada.

Wuxuu intaas ku daray in Isboortiga uu kaalin weyn ka qaato isdhexgalka Bulshada iyo in dhalinta laga fogeeyo waxyaabaha anshaxa xun.

Degmooyinka ka qaybgalaaya ayaa kala ah;

Bosaaso

Waaciye

Iskushuban

Ufeyn

Qandala

Carmo

Balidhidin

Baargaal

Caluula

Gumbax

Rako Raaxo

Degaanka Qaw

Degaanka Buruc

Galgala

Maamulka Isboortiga gobolka Bari ayaa mudooyinkaan waday dadaalo dhinaca
horumarinta Isboortiga iyadoo dhowaan la qabtay koob loogu magacdaray Nabadda
iyo isdhexgalka Bulshada.

Tani waxay noqonaysa talaabo horumar ah oo uu qaaday maamulka maadam aan hore
loo qaban tartan heer degmooyin ah.



 
Cabdirashiid Shaam
Somaliweyn Media Center Germany



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com