Garoonka Estadio da Luz oo marti gelin doono finalka koobka Champions League sanadka 2014

3/21/2012 8:36:00 A

Xiriirka kubad cakta Qaarada Yurub ee loo soo gaabiyo Uefa ayaa ku dhawaaqay labada garoon ee sanadka 2014-ka kala mari gelin doona finalka tartamada Eufa Champions League iyo Europa League.


Xiriirka kubad cakta Qaarada Yurub ee loo soo gaabiyo Uefa ayaa ku dhawaaqay labada garoon ee sanadka 2014-ka kala mari gelin doona finalka tartamada Eufa Champions League iyo Europa League.

Garoonka ay ku ciyaarto kooxda Benfica ee Estadio da Luz ayaa nasiib u helay in finalka  Champions League final in 2013-14.

Estadio da Luz oo daaha laga rogay sanadki 2003, ayaa marti gelin doona finalka koob caan ah tan iyo ciyaarti kama danbeysta aheyd ee koobki Euro 2004.

Waxa uu ka dhisanyahay oo dhinaca ku hayaa garoonki hore ee kooxda kaasi oo marti geliyey finalki koobi koobka Yurub ee ay sanadki 1992-ki ku hardameen Werder Bremen iyo Monaco.

Dalka Portugal waxa ugu danbeysay marti gelinta ciyaar final ah oo ka tirsan tartanka Yurub xilli ciyaareedki 2004/05 markaasi oo ay Sporting Lisbon marti gelisay finalki koobka Uefa Cup final oo ay qaaday CSKA Moscow.

Estadio da Luz wuxuu haatan tartanka kaga guuleystay garoonka Wembley ee magaalada London, kaasi oo loo doortay in lagu qabto finalka Champions League ee sanadka soo aadan ee 2013.


Dhanka kalana garoonka Juventus Stadium ee magaalada Turin ayaa loo caleema saaray inuu marti geliyo finalka tartanka Europa League ee sanadka 2014.

Garoonkaan ayaa la furay bishi September ee sanadki hore, waxana uu noqday garoonka kaliyah ee ku yaala dalka Talyaaniga ee ay si gaar ah u leedahay halkoox oo ah kooxda Juventus.
 
 




Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com