Warbixin: Messi oo ka hadlay sirtiisa gaarka ah

3/18/2012 9:22:00 P

Xidiga sare ee kooxda Barcelona iyo xulka Argentine Lionel Messi ayaa marki ugu horeysay ka hadlay sirtiisa u gaarka ah ee uu ku gaaray heerka uu haatan taaganyahay.


Xidiga sare ee kooxda Barcelona iyo xulka Argentine Lionel Messi ayaa marki ugu horeysay ka hadlay sirtiisa u gaarka ah ee uu ku gaaray heerka uu haatan taaganyahay.

 Wareysigi ugu qiirada badnaa ee uu bixiyo laacibkan ayuu ku sharaxay afar arimood oo u suura geliyey inuu noqdo laacib sare oo guulo waaweyn ka gaaray kubada cakta, waxaana ay kala yihiin.

Inuu kasoo tagay qoyskiisa oo ku nool dalka Argentina isla si uu u bilaabo nolol cusub oo dibada ah.
 
Isaga oo ka goostay sheekada iyo hadalka dhamaan asxaabtiisi hore.
 
Iska indha tirid badan oo uu ku sameeyey xaflado lagu casuumay oo u badnaa caweys.

Iyo Xoog saarida kulan kasto oo uu ciyaarayo.

Wareysiga oo uu si dhab ah uga hadlay noloshiisa ayuu ku xaqiijiyey inuu wali isu heysto laacib aanan gaarin heerki loogu tala galay oo uu baahi u qabo guulo kale.
 
Messi kaliyah ma ahan laacibka aduunka ee ugu hanashada badnaa abaal marinta Ballon d'Or oo uu sadex jeer oo xiriirto qaaday, sidoo kale waa ninka ugu mushaarka badan ciyaartooyda ku shaqeysato kubada cakta, waxaana sanadki uu qaataa lacag dhan £30million.

Xidigaan 24 jirka ah dhirikiisuna yahay 5ft 5in ayaa aas aasiyaadka guulaha uu ka gaaray xirfadiisa ku sifeeyey isaga oo kubada kusoo bilaabay yaraantiisii.
 
"Waxaan sameeyey nafhurid badan, waxaan kasoo tagay dalkeeyga Argentina, waxaan kasoo tagay qoyskeyga, waxaan iska badalay saaxibadi aan lahaa, dadkeygii, wax walba, laakin wax walba oo aan sameeyey waxaan u qabtay kubada cakta si aan guul uga gaaro riyadeyda, taasina waa waxa aan u diido in aan aado xafladaha, ama aanan u qaban wax badan, runti wax badan ayaan jeclahay kubada cakta mar walbana waan u go,aa waqti badanna waan geliyaa," ayuu yiri Messi.


"Marki aan yaraa saaxibadeey waxay igu dhihi jireen nakeen aan dibada kusoo ciyaarnee, laakin aniga waxaan iska joogi jiray guriga si aan ugu cel celiyo maalinta kale casharadeyda kubada, waxna iskama key badalin tan iyo marki aan yaraa waayo saaxibadeey dibada ayey aadaan anigana guriga ayaan joogaa," ayuu yiri.
 
Hadaba halgankaasi uu soo galay Messi waxay dhaxal siisay inuu sadex jeer oo isku xigta noqdo laacibka ugu fiican aduunka, isaga oo sadex jeer qaaday koobka Champions League, laba koob oo ah FIFA Club World Cups, laba  UEFA Super Cups, shan horyaal oo ah horyaalka Spain ee La Liga, hal koob oo ah Copa del Rey iyo shan koob oo ah Supercopa de Espanas iyo abaal marino uu si gaar ah u helay.
 
Goolki uu ka dhaliyey xalay kooxda Seville oo ay 2-0 ku garaaceen ayaa ahaa kiisi 51-aad ee uu Barca u dhaliyo xilli ciyaareedkaan 45 kulan oo uu saftay.
 




Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com