Dib u aas aasida Jeenyo United iyo rajada xulka qaranka Somalia

3/15/2012 8:46:00 P

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cakta ayaa rajo wanaagsan ka qaba dib u aas aasida kooxdii Jeenyo in ay wax weyn ka tari doonto horumarka xulka qaranka dalkeena Soomaaliya.


Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cakta ayaa rajo wanaagsan ka qaba dib u aas aasida kooxdii Jeenyo in ay wax weyn ka tari doonto horumarka xulka qaranka dalkeena Soomaaliya.

Jeenyo oo ka mid ah kooxaha ugu sumcadaa iyo guulaha badnaa Somalia ayaa dib loo unkay asbuuci lasoo dhaafay kadib kulan ay yeesheen wasaarada Isboortiga, xiriirka iyo qaar ka mid ah laacibiinti hore ee naadiga.
 
Jeenyo United ayaa ka maqneyd saaxada kubada cakta 22 sanadood, waxaana ay la bur burtay qaranki Soomaaliyeed oo meesha ka baxay sanadki 1991-ki, markaas oo ay bur burtay dowladi uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barr.
 
"Aad ayaan u faraxsanahay maxaa yeelay Jeenyo waxay bari aheyd kooxda ugu caansan uguna taageeraha badan Soomaaliya, kubada cakta waxay u baahantahay teegeerayaal si ahmiyada ciyaarta ay sare u noqoto," sidaa waxaa yiri xoghayaha guud ee xiriirka kubada cakta Abdi Qani Said Arab.

Mudadi ay jirtay Jeennyo waxay qaaday afar ka mid ah horyaalka kubada cakta Soomaaliya, iyo koobka muhiimka ah ee General Da'ud Cup oo ay duubatay lix jeer.
 




Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com