Wareysigi ugu horeyey ee uu Mario Balotelli siiyo BBC-da
Weeraryahanka dabeecada kulul ee dalka Talyaaniga iyo kooxda Manchester City Mario Balotelli ayaa la kulmay soo saaraha iyo tabiyaha barnaamijka Diirada Kubada Catka ee ka baxa TV-ga BBC-da ee uu daadihiyo Noel Gallagher.
Weeraryahanka dabeecada kulul ee dalka Talyaaniga iyo kooxda Manchester City Mario Balotelli ayaa la kulmay soo saaraha iyo tabiyaha barnaamijka Diirada Kubada Catka ee ka baxa TV-ga BBC-da ee uu daadihiyo Noel Gallagher.
Wareysiga oo dhinacyo badan taabanayey ayaa ku bilowday sheekooyinka cajiibka ah ee Mario sameeyey dhawaanahan, waxana uu u dhacay sidan:
Ma jirta in aad dhiibtay lacago faan ah oo dhan £1,000 kadib guushi aad kasoo gaartay casino?: "Maya waligeey ma dhiibin"
Ma run baa in mar uu wiil yar kuugu yimid xerada tababarka kuna yiri waxaan rabaa saxiixaaga, marki aad weydiisay maxaad iskuulka u aadi weysay kadibna uu kuugu jawaabay waan usoo gooyey, markaasna aad u waday iskuulka isla markaana kala hadashay maamulaka?: "Maya. Run ma ahan iskuulkana uma kaxeyn. waxaan dhahay maxaad iskuulka u aadi weysay laakin kuam wadin iskuulka.
Maxaa ka jira in hooyadaa ay Talyaaniga kaaga soo dhiibtay Miiska Feerada oo kale u sameysan, Mootada afarta lug leh, Gema-ka baabuurta ee gacanta laga ciyaaro iyo miiska lagu ciyaaro teeniska?.
"Haa. laakin kuma jirin miiska teeniska, waxa uu ahaa trampoline 'waa geed u eg miis wareegsan dushana shabaq moola ka ah kadibna lagu bood boodo korkiisa'.
Adiga cowska garoonka qaarkiis ma waxay kugu kiciyaan xanuunka maqaarka ee allergic?.
"Aniga waxaan cun cunka ka qaadaa ama allergic cowska qalalan, ma ahan han cagaaran ee dooga ah waa kan cadaaday."
Wax yar ka hor ciida Karismiska ma aaday kaniisada kadibna ma bixisay lacag dhan £1,000 oo saxan lagu aruurinayey?: "waxaan ku riday waxoogaa lacago ah laakin ma dhameynin kun gini."
Ma jirtaa in aad aaday baarka qamriga ee Wythenshawe kadibna dhamaan inti kula socotay ma u iibisay qamri?: "Maya"
Ma dhab baa in adinka oo badan aad tagteen kaalin shidaal kadibna aad qof walbaa ka bixisay shidaalka?: "Maya, waa been."
Gaarigaaga ma u kaxeysay adiga oo labisan funaanada Manchester kadibna intaad dibada u baxday maalinti ciidaka Karistaanka lacago ma firdhisay?: "Maya."
Ka waran xiriirka kaala dhaxeeya Roberto Mancini?.
"Hadii uusan Mancini ahaan laheyn halkaana joogi laheyn waxaan u maleynayaa in aanan waligeey halkaan imaan laheyn."
Haye ka waran Jose Mourinho?
"Waxaan u maleynayaa waa tababare wanaagsan laakin ma i fahmin aniga mana i garan karin marki aan joogay [Inter Milan]. wuxuu dhahay ma taqaana cidna ima fahmi karto laakin waxay ila tahay qofka kaliyah ee i fahmi waayey waa isaga, sidaas daraadeed waa dhib.
Ka waran arimaha indha sarcaadka iyo sixirka wali maku aragtay halkaan?.
"Waxaa jira hal nin oo jooga magaaladan Manchester. aniga oo jooga xarunta Trafford ayuu ii yimid wuxuuna i tusiyey waxoogaa indha sarcaad ah, maalin ayaan ku casuumay gurigeyga si uu iibato wax uun, hada kaliyah waxaan ka xasuustaa hal xabo laakin waa adagtahay."
Balotelli waxaa jirta in dadka ay arimahaada xiiseeyaan ama ay wax kaa sheegaan maxaad is leedahay arimahaasi waxa keeni kara?
"Marka ay ka hadlayaan dadka waxa aniga i quseeya, nolosheyda waan la yaabaa, xaqiiqdi aniga waxaan ahay qof arimahiisa gaarka ay ay u yaalaan, laga yaabee dadka qaarkii in ay ku fakaraan in aan ahay qof isla weyn ama wax la mid ah laakin aniga waxaan ahay aniga un."
Warbaahinta aad ayey wax kaaga qoraan Balotelli sideey kula tahay?.
"Waxba iigama galin maxaa yeelay waxay dhihi karaan waxa ay rabaan, aniga waxaan ahay ciyaaryahan arinta ugu muhiimsan waa garoonka iyo maalinta Axada, waxaan arkaa dad badan oo aniga igu karan wax aan jirina iga sheegaya waxaan leeyahay waa been waxaas, waxna iga garan mayaan, tusaale ahaan marka aan aado guriga banaankiisa ee aan wadada marayo qof baa sawir iga qaadayo aniga oo aanan ogeyn kadibna wacayo warbaahinta oo dhahaya Maro waa kaas, maalinta ku xigtana waxaa lagu soo daabacayaa wargeyska taasi waa wax iska caadi ah, magaalada waxaan u socdaa sida qof caadi ah oo kale."
Hada ka hor waxaad funaada hoos gashiga kusoo qoratay "Why always me?"
"Taasi waxaan kala jeeday dadka sida xun igaga warama waxaana uga digayey in ay iga joojiyaan hariifada ay igu wadaan, kaliyah weydiisho ayey aheyd, waxaana dhahay 'Why always me 'maxaad mar walbo aniga iigu beegsaneysaan?'"
Ugu danbeynti Balotelli ma jeclaan laheyd in aad noqoto laacibka aduunka?.
"Waan jeclaan lahaa, laakin kaliya ma ahan wax aad jeclaato waa wax kaaga baahan shaqo.
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com

Banooni.com -
Hoyga Cayaaraha 


