Maxaa ka jira in finalka Champions League lagu qaban doono magaalada Milan?
Wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa qoray in xiriirka kubada cakta Yurub uu qorsheynayo in xilli ciyaareedka 2015-16 lagu qabto finalka koobka Champions League garoonka Stadio Giuseppe Meazza ee magaalada Milan.

Waxa ugu danbeysay ciyaar finalka ah oo uu garoonka San Siro marti geliyo sanadki 2001 markaasi oo lagu qabtay ciyaaryi kama danbeysta aheyd ee koobka Horyaalada Yurub oo ay kooxda Bayern Munich rigoorayaal uga qaaday naadiga Valencia.
Finalki ugu danbeeyey oo Talyaaniga lagu qabto waxa ay aheyd sanadki 2009 markaasi oo uu marti geliyey garoonka magaalada Roma ee Stadio Olimpico, finalkaasi oo waxaa 2-0 ku badisay Barcelona oo ka hor tagtay Manchester United.
Sidoo kale rajada kale ee ay Talyaanigu qabaan ayaa ah in garoonka Juventus Stadium lagu marti geliyo finalka tartankan Europa League ee sanadka 2014.
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com

Banooni.com -
Hoyga Cayaaraha 