Arsene Wenger oo loo aqoonsaday tababarahi ugu fiicnaa bishi hore Ingiriiska
Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa la yaabay marki uu maqlay inuu yahay macalinka ugu fiicnaa horyaalka Ingiriiska bishi tagtay, isaga oo ku tilmaamay arrinkaasi mid lagu qaldamay.
Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa la yaabay marki uu maqlay inuu yahay macalinka ugu fiicnaa horyaalka Ingiriiska bishi tagtay, isaga oo ku tilmaamay arrinkaasi mid lagu qaldamay.
Wenger ayaa si weyn ugu jabay kulanki ay Arsenal bishi hore la ciyaartay AC Milan ee ka tirsanaa koobka Champions League oo loogaga badiyey 4-0 iyo isaga oo ka haray tartanka FA Cup, hase yeeshee waa kooxda kaliyah ee bishi February aanan laga badin horyaalka Ingiriiska.
"Hadii aad aqrisay wargeysyada bishi labadi asbuuc ee lasoo dhaafay, waxaad oraneysaa waxa jira qalad, waxaan u maleynayaa in ay ka hadlayaan qof aanan aniga aheyn oo ay igu qaldeen abaal marinta, runti waa wax aan aad ula yaabanahay mana fahmi karo in aan noqdo macalinki ugu fiicnaa bishi hore," ayuu yiri.
Arsenal ayaa soo xareysay 10 buundo afarti kulan ee ay ka ciyaartay horyaalka.
Wenger ayaa abaal markintan ku guuleystay 12 jeer, 15 xilli ciyaareed oo uu la joogo Arsenal.
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com

Banooni.com -
Hoyga Cayaaraha 


