Sir Alex Ferguson oo la yaaban rikoorka uu sameeyey Ryan Giggs

2/27/2012 3:40:00 P

Tababaraha ay mushkilada ku furantahay ee kooxda Inter Milan Claudio Ranieri ayaa ku adkeystay inuusan iska casili doonin xilka kadib marki xalay laga badiyey kulankiisii 5-aad oo xiriir ah.


Tababaraha ay mushkilada ku furantahay ee kooxda Inter Milan Claudio Ranieri ayaa ku adkeystay inuusan iska casili doonin xilka kadib marki xalay laga badiyey kulankiisii 5-aad oo xiriir ah.

Inter ayaa xalay guuldaro qaraar ah kala soo laabatay kooxda Napoli oo 1-0 ku soo cuntay garoonka San Paulo ee magaalada Naples.
 
Goolka waxaa ka dhaliyey xidiga kooxda Napoli Ezequiel Lavezzi oo ku taagsaday kubad uu shuuday qeybti labaad ee ciyaarta, iyadoo Intet xitaa goolal kale ku sigatay in laga dhaliyo.
 
Macalinkaan 60-ka jirka ayaa u sheegay warbaahinta dalka Talyaaniga inuusan iska casileyn xilka.

"Ma garanayo, ma u jawaabi karo gudoomiyaha, laakin iskama casili doono xilka sababtoo ah waan rumeysanahay ciyaartooyda iyo kooxdaan," ayuu u sheegay Ranieri Sky Sport Italia.

Inter ayaa haatan kaalinta todobaad kaga jirto horyaalka Seria A-da, laakin waxa ay sagaal buundo ka hooseysaa kooxda Udinese oo haatan ku jirto booska Champions League.




Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com