Cristiano Ronaldo oo ka hadlay goolki uu ciribta ku dhaliyey
Xidiga sare ee kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa aad ugu faraxsan gool uu xalay kooxdiisa Real Madrid ugu dhaliyey ciribta, kulan ay 1-0 kaga adkaadeen kooxda Rayo Vallecano.
Xidiga sare ee kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa aad ugu faraxsan gool uu xalay kooxdiisa Real Madrid ugu dhaliyey ciribta, kulan ay 1-0 kaga adkaadeen kooxda Rayo Vallecano.
Inkastoo uu ku faraxsanyahay hadana wuxuu leeyahay goolkaasi ma aheyn kii iigu quruxanaa ee aan dhaliyo.
Ronaldo ayaa dhaliyey goolka qeybti labaad ee ciyaarta, isaga oo kubad cirka ku socotay xabadka saartay kadibna intuu sii jeestay ciribta ku dhiftay sidaasina ay shabaqa ku gashay.
"Wuxuu ahaa gool aad u qurxanaa sababtoo ah goolasha cirbaha lagu dhaliyo mar walba way ka duwanyihiin kuwa kale, waxaan dhihi karaa waa gool sare laakin ma ahan kii iigu fiicnaa abid," ayuu yiri.
"Tani ma aheyn ciribti ugu horeysay ee aan dhaliyo ee horay ayaan usoo dhaliyey marki aan joogay kooxda Manchester United," ayuu sii raaciyey Ronaldo oo ah laacib u dhashay dalka Portugal.
Ronaldo ayaa dhanka kale sheegay in guushi xalay ay u aheyd mid ay u galeyn dagaal adag, isaga oo tibaaxay in goolka uu dhaliyey ay ka muhiimsaneyn guusha ay gaareen oo ka dhigtay in wali ay 10-dhibooc ka sareyaan kooxda kusoo xigto ee Barcelona oo iyaduna xalay 2-1 ku garaacday kooxda Atletico Madrid.
Madrid todobaadka danbe ayey qaabili doontaa kooxda caanka ah Espanyol.
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com

Banooni.com -
Hoyga Cayaaraha 


