Maxaad kataqanaa 10-kii Cayaaryahan ee Ugu qaalisanaa Abid premier league?

1/16/2012 11:50:00

.


 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaan halkaan kusoo bandhigeynaa si wax badan looga ogaado 10-ka ciyaariyahan ee Taariiqda ugu qaalisan horyaalka wadanka Ingriiska ee Premier league layiraahdo.

Hadaba Aqristayaal waa kuwan 10-ka ciyaariyaha ee ugu qaalisan Premier league Abid oo aad naga soo codsateen.

.1- Fernando Torres, ayaa ah ninka ugu qalisan horyaalka ingriiska waa 26 jir ku aftirsada wadanka Spain waxaana uu uu kazoo dhaqaaqay horaantii sanadkii tagay kooxda Liverpool isagoo kubiiray kooxda Chelsea waxaana lagu iibsaday aduun dhan 50 Milyan oo Bound.

 

 

 

2- Andy Carroll, ninkaan dheer waa nin kasoo jeeda wadanka ingriiska waana 22 jir waxaana uu horaantii sanadkii tagay kasoo dhaqaaqy kooxda New Castle United isagoo kubiiray kooxda Liverpool waxaana lagu iibsaday lacag dhan 35 Milyan oo Bound.

.3- Robinho, xidigan oo hada uciyaara AC Milan waxaa uu ku aftirsasdaa Brazil 24 jirkaan ayaa usoo ciyaaray kooxda Man City iyadoo kasoo qaadatay kooxda Real Madrid waxana 2008-dii ay kusoo qaadatay aduun dhan 32.5 Milyan oo Bound.

.4- Andrea Shevchenko,xidiga wadanka Ukraine oo mar noqday xidig qarada yurub waxaa uu 2006-dii uu kubiiray kooxda Chelsea waxaana ay kasoo qaadatay milan xiligiaasi wuxuu ahaa 29 jir waxaana lagu soo qaatay Aduun dhan, 30.8 Milyan oo Bound.

5- Berbatov, xidiga wadanka Bulgaria, waxa uu kasoo dhaqaaqay kooxda Tottenham, waxaana uu kusoo biray kooxda Man United isagoo ahaa waqtigaas 27 jir waxaana ay 2008-dii kusoo qaadatay lacag dhan 30.75 Milyan oo Bound.

.6- Rio Ferdinand, daafaca wadanka England, waxaa uu kusoo biiray kooxda Man United 2002-dii waxaana uu xilaagsi jiray 23 sano isagoo kasoo dhaqaaqay kooxda Leeds United waxaana ay kusoo qadatay aduun dhan 29.1 Milyan oo Bound.

. 7- Juan Veron, xidigii hore ee xulka Argentina, waxa uu kusoo biiray kooxda Man United 2001-dii waxaana uu waqtigaas jiray 26 sano waxaana uu kasoo dhaqaaqay kooxda Lazio waxaana ay Man United ay kusoo iibsatay Aduun dhan 28.1 Milyan oo Bound.

.8- Edin Dzeko, waa weeraryahan halis ah waxaa uu udhashay wadanka Bosnia, waa 24 jir waxaa uu horaantii 2010-kii kusoo biiray kooxda Man City waxaa ay kasoo iibsadeen kooxda Wolfsburg wuxuuna ugu fadhiyaa aduun dhan 27 Milyan oo Bound.

.9- Weyne Mark Rooney, weeraryahanka kooxda Man United waxaa uu 2004-tii kusoo biiray kooxda United waxaana uu kasoo dhaqaaqay kooxda Everton xiligii la iibsanayay waxaa uu jiray 18 sano waxaana uu kooxda Man United ugu fadhiyaa qiimo dhan 25.6 Milyan oo Bound.

. 10- Essien, xidiga qadka dhexe ee Ghana, waa ninka ugu qaalisan xidigaha kasoo jeeda qaarada Africa waxaa uu kusoo biiray kooxda Chelsea 2005-tii waxaa uu xiligaas jiray 23 sano waxaa uu kazoo dhaqaaqay kooxdda Lyon waxaana uu Chelsea ugu fadhiyaa adun dhan 24.4 Milyan oo Bound.

Kooxda Man United ayaa ah kooxda ugu badan ee iibsata ciyaartooyada lacagta badan kufadhiya ee premier league




Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com