Thierry Henry oo taalo loogaga dhisay garoonka Arsenal ee Emirates

12/10/2011 10:10:00

Weeraryahanki hore ee kooxda Arsenal ayaa farxad darteed la ooyay shalay kadib marki uu indhihiisa ku arkay taalo ay kooxda Arsenal uga dhistay albaabka laga soo galo garoonka Emirates Stadium ee magaalada London.


 Weeraryahanki hore ee kooxda Arsenal ayaa farxad darteed la ooyay shalay kadib marki uu indhihiisa ku arkay taalo ay kooxda Arsenal uga dhistay albaabka laga soo galo garoonka Emirates Stadium ee magaalada London.

Isaga oo gacanta ka wada gabadhiisa yar ayuu Henry daawaday taaladaan loo dhisay oo ay kooxda Arsenal ku sharaftay goolashi tirada badnaa ee uu u dhaliyey mudada uu ka tirsanaa.

Waxa ay qeyb ka tahay sadex taalo oo ay Arsenal u sameysay sadexda laacib ee ugu caansanaa ee soo mara kooxda, waxaa sidoo kale lagu soo beegay sanad guuradi 125-aad ee Arsenal oo ay hada u dabaal dagayaan.

Taalooyinka kale waxaa loo dhisay mid ka mid ah tababarayaashi soo maray kooxda waa Herbert Chapman kaasi oo loo tix geliyo inuu yahay aas aasihi guulaha Arsenal sanadihi 1930-meeyadi iyo kabtanki ugu caansanaa ee kooxda soo maray waa Tony Adams.

Henry taaladaan waxaa uu ku muteystay isaga oo ah ninka ugu goolasha badan ee Arsenal soo maray isaga oo u dhaliyey 226 gool, waxa uu ka caawiyey laba horyaal oo ah Premier League iyo laba FA Cup, waxa loo sameeyey taaladiisa sida isaga oo gool dhaliyey kadibna jilbaha ku taraaraxaya.

Hadal uu ka jeediyey holwka kooxda Arsenal ayuu sida atoore la gudoonsiiyey abaalmarinta Oscar-ka oohin la baroortay isaga oo qiray sida uu ugu faraxsanyahay.

" Saxaafada qaar waxay leeyihiin marka uu halkaan yimaado ma muujiyo qiiro, hada waad u jeedaan sida aan u qiireysanahay, waxaan qirayaa in aan jeclahay kooxda, waxaan rabaa in aan u mahad celiyo qoyskeyga halkaan jooga, asxaabteda, gabadheyda iyo hooyadeey," auu yiri Henry oo ah nin u dhashay dalka Faransiiska.
 




Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com