Garsoore Wiish oo galay taariikhda kubada cakta Somalia iyo tan Africa
Garsoorihi ugu horeeyey oo Soomaali ah ayaa dhex dhexaadinayo finalka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa
Garsoorihi ugu horeeyey oo Soomaali ah ayaa dhex dhexaadinayo finalka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa
Waxaa lagu wadaa in maanta lasoo gaba gabeeyo Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee beryahaan kasocday Waddanka Tanzania ayna faynalka isugu soo bexeen wadamada Uganda iyo Rwanda ayaa waxaa lagu dhawaaqay inuu Ciyaartaas dhex dhexaadin doono garsooraha Soomaaliyeed ee Xasan Wiish oo horay koobkan usoo dhex dhexaadiyey illaa afar Ciyaarood oo uu amaan kumateystay.
Ciyaartaas oo Geeska Afrika laga daawan doono Saacadu markay tahay 3,15 daqiiqo ayaa waxaa ay tahay mid aan cidna loo saadaalin karin iyadoo labada waddan ay horay usoo kala reebeen Suudaan iyo Waddanka martigekiyey Sanadkaan ee Tanzaania waxaana ay muujiyeen Ciyaar wanaag Ciyaarihii hore ee ay ciyaareen waxaana sidoo kale u ciyaara ciyaartooy wanaagasan oo farsamadoodu sarayso.
Garsoore Wiish oo aan qadka Tilifoonka Daarasalaam kula xiriirey ayaa ii sheegey inuu aad ugu farxay ugana naxay markuu maqalay in isaga loo doortay ciyaarta faynalka ee Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika waxaa kale oo uu iisheegey in mas uuliyad gaara iska saarayo sidii uu ciyaartaas ugu dhex dhexaadin lahaa sida ku haboon ee uu qabo Sharciga Kubdda Cagta sidoo kalena uu lasocon doono qiyaanooyinka ay adeegsadaan Ciyaartooydu isagoo Alle karajeeyey ineey ugu dhamaato si wanaagsan.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Ciyaar faynal ah uu qabto Garsoore Wiish ee horay ayuu isla dalkan ugu dhex dhexaadiyey faynalkii koobkii CECAFA-KAGAME Club Championship taasi oo keentay in uu noqdo Garsoorihii ugu wanaagsanaa Koobkaas waana garsoorihii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo abid dhex dhexaadiya faynalka Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika
Ciyaarihii uu horay u soo qabtay waxay kala ahaayeen
Kenya - Malawi 0-2
Djibuti - Rwanda 2-5
Sudan - Kenya 1-0
Rwanda - sudan 2-1
WQ Caydiid C/raxmaan Aadan
Tel 25261 5599988
ceydiidmilan@hotmail.com.
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com

Banooni.com -
Hoyga Cayaaraha 


