Lix ciyaartooy oo u dhalatay dalka Togo ayaa maanta geeriyootay

11/27/2011 4:17:00

Lix ka mid ah xidigaha ugu caansan dalka Togo ayaa ku geeriyootay maanta shil baabuur oo ka dhacay waqooyiga magaalada caasimada ah ah ee Lome.


Lix ka mid ah xidigaha ugu caansan dalka Togo ayaa ku geeriyootay maanta shil baabuur oo ka dhacay waqooyiga magaalada caasimada ah ah ee Lome.

Saraakiisha ayaa sheegay in shilkaan oo ka dhacay magaalada Atakpame oo 160km dhanka waqooyi kaga beegan Lome ay ku dhinteen xidigo caan ahaa kuwaasi oo ka tirsanaa kooxda kubada cakta Etoile Filante kadib marki baabuur bas ah oo ay la socdeen uu ka dagay meel waadi ah.

Sidoo kale shilkaasi waxaa ku dhaawacmay qaar kale oo aanan wali la cadeyn tiradooda, wararka waxay sheegayaan in shilka uu yimid marki taayarka ama cakta gaariga uu qarxay kadibna uu uu ka dhacay meel tog ah ama waadi ah.

"Ma garan karno sida aan uga fakanay shilkaasi," sidaa waxaa yiri mid ka mid ah ciyaartooydi ka badbaaday oo la yiraahdo Mama Souleyman kaasi oo sidoo kale ah ciyaaryahan sida uu wakaalada wararka AP ay ku warantay.

Magacyada xidigaha dhintay wali lama soo sheegin magacyadooda, laakin waxaa la filayaa in ay soo saaraan xiriirka kubada cakta.

Sanadki hore laba ka mid ah ciyaartooyda xulka kubada cakta ayaa ku dhintay rasaas ay kooxo falaaga ah ku fureen baabuur bas ah oo ay ugu safrayeen dalka Angola Angola.

Sanadki 2007, wasiirkii isboortiga ee dalka Togo Richard Attipoe ayaa ka mid ahaa 22 ruux oo ku dhintay marki diyaarad helikobtar ah oo waday taageerayaal iyo saraakiil dhinaca kubada cakta ah kula bur burtay dalka Sierra Leone kadib marki ay kaso laabteen ciyaar ka tirsaneyd is reeb reebka koobka Qaramada Africa.
 




Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com