Garsoore Jarmal ah oo isku dayey inuu is dilo
Qaar ka mid ah garsoorayaasha iyo calanwadayaasha horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga ayaa ku guuleystay in ay badbaadiyaan garsoore Babak Rafati oo kadib marki uu isku dayey inuu is dal dalo.
Qaar ka mid ah garsoorayaasha iyo calanwadayaasha horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga ayaa ku guuleystay in ay badbaadiyaan garsoore Babak Rafati oo kadib marki uu isku dayey inuu is dal dalo.
Babak Rafati, ayaa laga helay qol uu ka deganaa hotelka isaga oo xaraarug ah saacado ka hor inta aysan dhicin kulan dhexmari lahaa Cologne iyo Mainz 05, ciyaartaasi oo uu dhex dhexaadin lahaa.
Rafati, oo ah 41 jir ayaa iska jaray xidida gacmaha si uu ugu dhinto dhiig bax Sabtidi lasoo dhaafay, waxaana marki danbe loola cararay isbitaal sida ay sheegeen saraakiisha xiriirka kubada cakta dalka Jarmalka.
Aabaha dhalay garsoorahaan oo lagu magacaabo Djalal ayaa sheegay in maanta laga soo saaray isbitaalka isla markaana ay hagaagsantahay xaalada wiilkiisa.
"Wuxuu yiri waan ku jeclahay aabo, raali gelin ayaana ka bixinayaa wixi dhacay, aniga hada waxaan ku faraxsanahay xaalada wiilkeeyga," ayuu yiri.
Rafati isku daygiisa dilka ahaa ayaa sababay in la baajiyo kulanki dhex mari lahaa Cologne iyo Mainz 05.
Gudoomiyaha xiriirka kubada cakta dalka Jarmalka (DFB) Theo Zwanziger ayaa amaanay sadex garsoore oo badbaadisay nolosha Rafati.
Wali ma cada sababta keentay in uu nolosha isaga faaruqo garsoorahan , laakin warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay ku kaliftay Rafati cadaadis dhinaca garsooriada ah.
Rafati, oo horay ugu soo shaqeeyey bankiga, ayaa bilaabada xirfada garsooranimada sanadki 1997 waxaana uu dhex dhexaadiyey 84 kulan oo ka tirsan horyaalka Bundesliga tan iyo marki uu usoo dalacay garsooriada ciyaaraha heerka koowaad sanadki 2005.
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka banooni.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe banooninews@hotmail.com

Banooni.com -
Hoyga Cayaaraha 


